Laascaanood: Arrimaha Xaasaasiga Ah Ee La Hordhigay Madaxweyne Biixi iyo Jawaabaha Uu Ka Bixiyay

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadashay waxyaabo ay isla qaateen dublamaasiyiinta shisheeye ee danaynaya arrimaha amaanka Somaliland ee xaaladda colaadda Laascaanood iyo arrimaha doorashooyinka ee weli cakiran oo marar baddan dib u dhac ku yimi.

Kulanka oo ahaa mid khadka isgaadhsiinta ee habka maqalka iyo muuqaalka (Video Conference) oo maanta dhexmary Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo dublamaasiyiin isugu jira safiirro, safiir ku xigeenno metelayay dalalka Finland, France, Germany, Ireland, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, United Kingdom, United States of America iyo Wakiil European Union, ayaa lagaga hadlay arrimahaa.

Qoraal kasoo baxay dhinaca qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulankaa dhanka isgaadhsiinta  lagaga hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood sidii xal nabadeed looga gaadhi lahaa, sidoo kale, waxay Madaxweyne Biixi iyo Dublamaasiyiinta dalalkaa metelayay ku qaadaa dhigeen arrimaha  doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland.

 

Madaxweyne Biixi, ayaa ka war-bixiyey tallaabooyinkii kala duwanaa ee ay dawladdu u qaadday dhinaca nabadda iyo xasilloonida Laascaanood, kuwaas oo sida lagu xusay qoraalka Madaxtooyadda ahaa toddoba qodob oo xukuumaddu ay qaaday, balse ay ku eeddaysay in aannay dhinaca kale ka fulin.

Qodobada Madaxweyne Biixi la wadaagay dublamaasiyiinta ayaa lagu xusay qoraalka Madaxtooyadda inay kala ahaayeen sidan:-

1 Xukuumaddu waxay u dirtay Magaalada Laascaanood wefti wasiirro ah si loo xalliyo arrinta laaascaanood, wada-hadalna ay ula furaan madaxda dhaqanka. Madaxda dhaqankuna way ku gacan saydheen.

2 Xukuumaddu waxay oggolaatay si bilaa shuruuda in garaaddadii muddada dheer ka maqnaa Laascaanood inay soo galaan Magaalada si ay qayb uga noqdaan nabad ku soo dabaalidda Magaalada. Hase-yeeshe nasiib darro waxay magaalada la soo galeen Calan Dawlad kale, hub iyo ciidan, waxaanay uga sii dareen xaaladii markaa taagnayd ee ay ahayd inay dejiyaan.

3 Xukuumaddu waxay oggolaatay shirkii ay ku baaqeen Wax-garadka Laascaanood, kaasoo ay Dawladdu u arkaysay inuu qayb ka noqon-doono dedaallada nabadaynta, balse waxa uu shirkaasi noqday mid lid ku ah Qarannimada Somaliland iyo nabadii ay ku naaloonaysay Laascaanood shan iyo Toban kii sanno ee u danbeeyey.

4 Xukuumaddu waxay go’aansatay oo ay ka saartay Magaalada laascaanood gudeheeda dhammaan ciidammadii kala duwanaa ee Jamhuuriyadda Somaliland, si loo yareeyo khasaaraha.

Laxidhiidha: Laascaanood: Xaaladda Weli Cakiran Iyo Abaabul Guluf Dagaal

5 Xukuumaddu waxay ku baaqday fulisayna xabad-joojin bilaa shuruud ah, kaddib markii garaadadu ku baaqeen dagaalka ka dhanka ah Somaliland.

6 Xukuumaddu waxay soo dhawaysay dedaaladii madax-dhaqameedkii kale ee Reer Somaliland ee isu xil-qaamay inay nabadaynta Laascaanood ka wada-hadlaan Garaaddada, kuwaas oo in muddo ah ku sugnaa Oog, markii dambena ku soo noqday Hargeysa, markii cidi wada-hadal la furi wayday.

7 Xukuumaddu waxay soo dhawaysay dhex-dhexaadintii ay Dawladda Itoobiya wadday ee ku saabsanaa sidii ay u wada hadli lahaayeen madax-dhaqameedkii kale ee Somaliland iyo Garaaddada Laascaanood, kaas oo markii loo diyaar garoobay in lagu wada-hadlo Addis-ababa ka suurto-geli waayey dhinaca Garaadada.

Laxidhiidha: Go’aamo Xukuumaddu Ku Muujisay Ahmiyada Ay Leedahay In Laascaanood Laga Sifeeyo Puntland Iyo Kooxaha Aragagixisada

Waxay Safiirrada, ku xigeenada iyo diblumaasiyiintu uga mahadnaqeen Madaxweynaha Qaranka Somaliland inuu ka ajiibay kulankan, waxaanay u soo jeediyeen inay suuragal tahay in Ciidammada Dawladda laga durkiyo Laascaanood, sida lagu muujiyay qoraalka Madaxtooyadda.

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi, ayaa soo jeedintaa Dublomaasiyiinta ku xidhay shuruud ah; “In Maamulka Puntland kala baxo magaalada Laascaanood Ciidanka, hubka iyo Taangiyada,” kuwaas oo iyagoo caadifad qabiil ku beer laxawsanaya ku dhex-milmay Shacbigii Reer Somaliland ee Laascaanood, sidaa awgeed ay taasi sababtay in aannay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland illaa maanta wax weerar ah ku qaadin Magaalada Laascaanood. “marka Maamulka Puntland ka baxdo xadka Somaliland ee ay isku soo hadhaan Dawladda Somaliland iyo Shacbigeeda Laascaanood ay Xukuumaddu diyaar u tahay inay ka wada-hadlaan danahooda.ayaa lagu yidhi, qoraalka Madaxtooyadda.

Sidoo kale, waxa lagu xusay qoraalka in Madaxweynuhu  ku wargeliyey Safiirrada in Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed saamayn-doona waddamo kale oo ka mida Afrika, isagoo Madaxweyne Biixi intaa ku daray in ay Qaranka Somaliland ka go’an tahay inuu difaacdo Dalkiisa iyo Xuduudihiisa, sida waddamada kale ee Adduunka ay waajibka ugu tahay inay difaacdaan Xuduudahooda.

 

Dhinaca kale, waxa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda in Madaxweynuhu isagoo uga waramaya safiirrada Arrimaha Doorashooyinka, u sheegay in ay xukuumaddu hore diyaarisay wixii kharashaad kaga aaddanaa doorashooyinka, isla markaana masuuliyadda qabashada Doorashooyinka ay u xilsaaran yihiin Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com