Araweelo News Network.

Madaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi, Sanand-guuradii 30aad ee Munaasibadda 18May?

Alt: Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay, wuxuu ku tilamamay dulmiga iyo gardarrada lagu hayo shacabka iyo maatida reer Falastiin.

 

Madaxweyne Biixii, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu xalay khudbad ka jeediyay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo sannad-guurada 30-aad ee kasoo wareegtay maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May, ayaa xalay lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu farriin adag u diray dalalka leh codka awoodda ee shanta gollaha amaanka, isagoo yidhi, “Waxaanu u soo jeedinaynaa Dawladaha diidmada qayaxan leh in ay is-hortaagaan gar-darada iyo xasuuqa lagu hayo maatida iyo shacabka Falastiin.”

 

 

Munaasibadda oo si weyn loo agaasimay, waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shir-guddoonka goleyaasha Guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, , xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka saddexda xisbi qaran, xildhibaanno, Safiirrada  dalalka Itoobiya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, wufuud caalami ah oo ka socotay dalalka Somaliland saaxiibka la ah, haldoor kala duwan oo bulshada qaybaheeda  ah, aqoonyahan,  haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

 

Ugu horrayn munaasibadda xuska maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland  ee 18-ka May waxa   lagu soo bandhigay suugaan iyo masraxiyado kala duwan oo ka turjumaya marxaladihii kala dambeeyey ee ay Jamhuuriyadda Somaliland soo martay muddadii soddonka sannadood ahayd ee ay xorriyaddeeda dib u heshay, muhiimadda iyo qiimaha ay xorriyadda iyo qarannimadu leedahay iyo horumarka ay ku tallaabsatay, kuwaas oo martidii madasha ku sugnayd si weyn maankooda u raadeeyey.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa halkaas ka jeediyey, ayaa si qoto dheer uga hadlay marxaladihii kala dambeeyey ee ay Somaliland soo martay, horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay iyo hiigsiga fog ee ay leedahay, waxana uu carrabka ku ballaadhiyey qiimaha ay maalintani ugu fadhido shacabka reer Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waa 18-kii May, sannad-guuradii 30aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbannaanida Qarannimada JSL. Waa maalintii nabadda, bad-baadada, horumarka iyo helista nidaam Dawladeed oo ku dhisan doonista iyo rabitaanka shacabka JSL.”

 

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay Somaliland xorriyaddeeda kaddib, iskeed isugu tashatay, nabaddeeda iyo horumarkeedana gacanteeda ku dhisatay, iyada oo aanay jirin cid kale oo taageeraysaa, isaga oo ammaanay kaalintii xilkasnimadii ururkii SNM,“Dhammaan shirarkii nabadeynta ee Somaliland iyadaa xoog, xoolo iyo xigmadba isku tashatay, cid ajaanib ahina waxba kuma darsan. Geedi-socodkii nabadeynta beelaha Somaliland waxa saldhig u ahaa talo-wadaag, isu-tanaasul, is-qancin, iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ka ciyaarayeen Guurtida iyo Salaadiinta Somaliland oo ay shacabku kalsooni ku qabeen iyo Ururkii SNM oo taladii la wadaagay mudakarkii beelihii aan ka midka ahayn iyo shacabka Somaliland. Taasina waxa ay ka dhigaysaa Ururka SNM mid taariikhda ku gala ururka kaliya ee dal uu u soo halgamay qabsaday, oo taladii la wadaagay dadkiisii. Taas oo keentay is-aamin, kalsooni iyo in laga wada shaqeeyo Qaran dhiska,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Somaliland maanta marayso marxalad horumar iyo Dimuqraaddiyad buuxdaa ka hana qaadday, islamarkaana ay guul weyn ka gaadhay dhammaanba Adeegyada Aas-aaska u ah nolosha Bulshada ee waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, islamarkaana uu hiigsigeedu yahay helitaanka Ictiraaf buuxa oo ay beesha caalamka ka hesho.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si adag uga hadlay dulmiga iyo gardarrada lagu hayo shacabka iyo maatida reer Falastiin, isaga oo farriin cad oo geesinimo lehna u diray dawladaha diidmada qayaxan leh, waxana uu yidhi, “Aad iyo aad baan uga xunahay dhibaatooyinka iyo gar-darada lagu hayo shacabka Falastiin. Waxaanu ugu baaqaynaa in la joojiyo colaada iyo dhiiga ku daadanaya Falastiin. Waxaanu u soo jeedinaynaa Dawladaha diidmada qayaxan leh in ay is-hortaagaan gar-darada iyo xasuuqa lagu hayo maatida iyo shacabka Falastiin.”

 

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu ka digay faro-gelinta iyo carqaladaynta ay maamulka Muqdisho ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu sheegay in haddii aanay colaadintaas ka waantoobin ay keeni doonto Aafo riiq dheeraata oo ku habsata, guud ahaanba shucuubta Soomaalida.