Araweelo News Network.

Madaxweyne Biixi wuxuu tilmaamay marxaladihii uu soo maray Berbera Internional Airport iyo Aflagaadooyiinkii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Loogu Geystay iyo Shaqsigii Naanaysaha loogu bixiyay.

Berbera(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay mashruuca xadhigga lagaga jaray madaarka caalamiga ah ee Berbera International Airport oo in muddo ahba lagu waday casriyayn iyo dib-u-habayn ballaadhan.

ALT Araweelo News Network

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi oo muddo laba maalmood ah safar shaqo ku joogay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, ayaa kormeer kooban oo uu ku sameeyey dhabbada ay diyaaraduhu ka haadaan ee Berbera, wuxuuna saaka si rasmi ah u furay madaarka Berbera International Airport oo loo qaabeeyey hannaankii ugu casrisanaa ee loo casriyeeyo madaarrada adduunka, iyadoo durba maanta si rasmi ah ay u bilaabmeen  duullimaadyadii  diyaaraddaha ee ka gooshi lahaa.

Munaasibad ballaadhan oo lagu daah-furay madaarka Caalamiga ah ee Berbera International Airport oo lagu qabtay gudaha madaarka, waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah shirguddoonka golaha wakiillada, saraakiil sar sare oo ka socday dawladda dalka Imaaraadka  Carabta oo maalgelisay iyo shirkadda maamulay ee loo soo gaabiyo “TIS Company” (The integrated System).

ALT: Araweelo News Network
Munaasibadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo xadhiga ka jaraya madaarka caalamiga ah ee Berbera International Airport, Image Araweelo News Network, 20 November 2021, Berbera. oo in muddo ahba lagu waday casriyayn iyo dib-u-habayn ballaadhan.

Sidoo kale, waxa munaasibada ka qabygalay  Guddoomiyayaasha axsaabta qaranka, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda hay’adda Duulista iyo  madaarrada Somaliland, safiirro, diblomaasiyiin, wefti ka socday shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline iyo marti-sharaf kale.

Masuuliyiinta gadalka ka jeedisay munaasibadda furintaanka, ayaa dhammaantood tilmaamay ahmiyada iyo qiimaha madaarka cusub ee Berbera, oo si casriya loogu sameeyay dib u habayn iyo qalabayn loogu sameeyay iyo muhiimadda uu qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba geeska Afrika u leeyahay.

Maarreeyaha Hay’adda duulista iyo madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxay dedaalkii ay xukuumaddu gelisay inuu madaarka Berbera dhammaado, islamarkaana ay diyaarado caalami ahi duulimaadyo si rasmi ah uga samayn doonaan.

Maareeye Cumar-sayid oo ka hadlay hannaanka cusub ee madaarka loo casriyeeyey loogana dhigo mid dunida la jaanqaadayo, ayaa sheegay in gebi ahaanba la beddelay dhabbadii hore ee diyaaraddaha oo dhererkeedu ka badnaa 4KM (Afar Kiiloomitir), iyada oo la sameeyey guluubada waaweyn ee habeenkii suurogelinaya inuu madaarku shaqeeyo, kuwaas oo lagu soo wareejiyey xayndaab ku fadhiya 30km oo isku wareeg ah, islamarkaana la dhisay Terminnaallo casri ah oo ku qalabaysan agabkii ugu dambeeyey ee madaarrada dunida lagaga shaqeeyo.

ALT: Araweelo News Network
madaarka caalamiga ah ee Berbera International Airport, Image Araweelo News Network, 20 November 2021, Berbera. oo in muddo ahba lagu waday casriyayn iyo dib-u-habayn ballaadhan.

Xubno ku hadlayey magaca dawladda Imaaraadka Carabta oo uu kamid yahay safiirka dawladda Imaaraadka u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Abdalla Alnaqbi, ayaa ku bogaadiyay horumarka ay qaybta weyn ka qaateen ee ka hirgalay madaarka Berbera, waxana ay si cad u sheegeen inay dawlad ahaan u hagar baxeen madaarka, kana dhigeen mid la jaanqaadaya dhiggiisa kale ee dunida.

Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim (Ataash) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa dhismaha madaarka ku tilmaamay guul weyn ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay, waxana uu xusay in qaranka Somaliland gaadhay heer dunidu kusoo hirato oo maalgashi ku samayso, islamarkaana uu madaarkani ibo furi doono jid cusub oo dhaqaale iyo is-dhexgal bulsho ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa kusoo Afmeeray, ayaa ugu horrayn si mug leh ugu mahadnaqay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxana uu sheegay inay Somaliland is barbar taageen maalin adag, shacabka reer Somaliland-na ay abaal badan u hayaan, maaddaama oo ay ku dhiirradeen inay maalgelin hagar la’aan ah u huraan dhulka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka sheekeeyay maxrladihii ay mashaariicda Madaarka iyo Dekedda soo mareen, isagoo tilmaamay markii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed  Siilaanyo hawsha waday ay bulshada Somaliland ogtahay wixii lasoo mariyay. “Waad ogaydeen xataa siyaasiyiin iyo madaxda axsaabta ayaa qaarkoood lahaa maxkamad halasoo taago, Madaxweynihii Axmed Siilaanyo iyo weliba anigoo guddoomiyihii xisbiga ahaa markaa, waase allah mahadii haddii maanta la garwaaqsaday.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale, madaxeyne Biixi, wuxuu amaanay wasiirkii arrimaha dibedda ee xilligaa Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ahaa dadkii dedaalka geliyay hawshan Madaarka iyo dekedda iyo sidoo kale, Safiirkii hore ee Somaliland, Ambassador Baashe Cawil oo ahaa xudunta mashaariicdan, wuxuuna Madaxweyne tilmaamay aflagaadooyin iyo waaxyaabo aannu geyin oo uu ka dhaxlay Baashe Cawil dedaalkaa oo naanayso loogu bixiyay xilligaa.

Madaxweyne Biixi, ayaa  farriin u diray shacabka reer Somaliland, isaga oo usoo jeediyey inay u diyaargaroobaan sidii ay usoo jiidan lahaayeen bulshada caalamka iyo midda geeska Afrika ku dhaqanba, maaddaama oo maanta si weyn loo casriyeeyey madaarka Berbera iyo dekeddaba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waxaynnu joognaa garoon caalami ah oo garoomada adduunka weyn ka mid ah oo ay walaalladeen Imaaraadka carabtu inoo maalgeliyeen, innagana waxa la inaga rabaa inaynu u diyaargarownno sidii ummadda caalamka  oo dhammi halkan usoo mari lahaayeen, mar haddii uu garoonkii ugu weynaa yahayna waxaynnu u baahannahay inaynnu caalamka intiisa kalena soo jiidanno.”

Madaxweynuhu waxa uu bulshada ku dhaqan magaalada Berbera iyo guud ahaanba gobolka Saaxil ku hambalyeeyey go’aannada geesinnimada leh ee ay ku taageereen maalgelinta iyo dib-u-dhiska magaalada, waxana uu ku tilmaamay bulsho ku caanbaxday maskax-furnaan iyo taageero ay u muujiyaan wax kasta oo dalkooda usoo kordha.

Munaasibada markii ay dhammaatay, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xubnihii weftiga ahaa ee uu hoggaaminayay waxa ay diyaarad kasoo raaceen garoonka caalamiga ah ee Berbera International Aiport, iyaga oo si nabadgelyo ah kusoo gaadhay caasimadda Hargeysa, iyadoo laga bilaabo maanta si rasmi ah u bilaabmaya duulimaadyada kala duwan ee ka degaya garoonka Berbera iyo kuwa kusoo degayaba.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com