Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Shirguddoonka cusub ee loo doortay gollaha wakiillada, ayaa xilka kala wareegay shirgudoonka gollihii hore munaasibada ay xilka kula kala wareegeen, ayaa maanta lagu qabtay xarunta gollaha wakiillada Somaliland ee Hargeysa.

 

Munaasibada xil wareejinta, waxa kasoo qaybgalay Shirguddoonkii Hore oo xilka wareejinayay, Shir gudoonka Cusub ee golluhu doortay, Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Wasiirka Maaliyada, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Gudoomiyaha Xisbiga UCID, guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE,  Maayarka Caasimada, saraakiil ka socday axsaabta qaranka xubno ka mid ah xildhibaanadii hore,  Xildhibaanada cusub ee la doortay 31 May 2021, xoghayaha gollaha wakiillada iyo hawlwadeenada gollaha qaarkood.

 

Guddoomiyihii hore ee gollaha Wakiillada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, ayaa hadalo dardaaaran u jeediyay xubnaha cusub ee shirguddoonka iyo xildhibaanada la doortay, wuxuuna usoo jeediyay shirguddoonka cusub in ay ilaaliyaan waajibaadka iyo waxa ay bulshadu usoo dooratay, isagoo xusay in ay ka nasiib wanaagsan yihiin oo xilligoodii ay shirddoonku xaalad adag iyo jujuub ku noqdeen shirguddoon, balse ay shirguddoonka cusub ay si nabad ah ku yimaadeen.

 

Dhinaca kale, wuxuu ku dardaaray in guddiyada gollaha oo ka kooban tobban qaybood ay ku dhisaan sida ay xildhibaanadu ugu kala wanaagsan yihiin guddiyada, isla markaana ay saddexda xisbi ka dhex muuqdaan, isagoo dhinaca kale usoo jeediyay shirguddoonka cusub in ay golluhu ku dhisanyahay guddiyada oo mar walba shaqeeya iyo shaqaalaha gollaha oo ay ugu horeeyaan xoghayaha gollaha Cabdirisaaq Siciid Ayaanle iyo xoghaye ku xigeenka Jamaal Jaamac Xasan oo sida uu sheegay la bilaabay tan iyo markii la sameeyay gollaha wakiillada, sidaa awgeed ay yihiin tiirarka iyo lafdhabarta gollaha, waxa kale oo uu xusay in shaqaalaha inta baddan ay qaateen markii ay gollaha yimaadeen oo ay ka qaateen jaamacaddaha dalka  oo ay ku xusheen aqoontooda, kuwaas oo ah xoghaymaha siddeed guddi oo gollaha wakiillada.

 

Guddoomiyihii hore ee xilka wareejinayay Baashe Maxamed Faarax, wuxuu xusay in muddo dheer oo ay gollaha joogeen ay soo mareen marxalado iyo waayo kala duwan, wuxuuna usoo jeediyay in maadaama ay gollaha cusub u badan yihiin mucaarad sidii ay iyaguba ahaayeen aan loo baahnayn in ay xukuumadda ku jiqsiiyaan ee ay wixii xeer hoosaadka iyo dastuurku farayo ee waajibkooda ah ay gutaan, isla markaana ay iska ilaaliyaan wixii khilaaf ee kala qaybinaya gollaha. Sidaa awgeed wuxuu ku adkeeyay shirguddoonka cusub in ay isku wadaan afkaaraha kala duwan ee xildhibaanada oo ay muujiyaan dulqaad.

 

Guddoomiye Baashe, wuxuu sheegay in ay ansixiyeen, ama ansixiyeen ku dhowaad siddeetan xeer, isla markaana y kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyeen kuwo kale, balse wuxuu xusay in laba xeer oo muhiim ah oo xilligan gollaha yaalay loo baahanyahay in ay ugu horaysiiyaan, kuwaas oo kala kah xeerka saxaafadda iyo xeerka caasimadda oo uu sheegay in uu ku raftay gollaha, mana sharaxin guddoomiye Baashe in xeerka saxaafada oo gollihii ka horeeyay meel meel mariyay, isla markaana Madaxweyne Daahir Rayaale qalinka ku duugay, mar kalena Madaxweyne Siilaanyo ku amray hay’addaha garsoorka in ay raacaan in xilligan xeerka uu sheegayaa yahay mid cusub oo ay xukuumaddu wadato iyo in xeerkii hore kaabis iyo wax ka bedel la doonayo in lagu sameeyo sidaana loogu gudbiyay gollaha wakiillada.

“Labadaa xeer ayaa yaala oo loo baahanyahay in deg deg looga hawlago, xeerka saxaafada iyo xeerka caasimadda, waxa kale oo aannu mar walaba oo miisaaniyada la keeno gollaha ku darnaa in la sameeyo Xeerka kala xadaynta oo loo baahanyahay in wasaaradda arrimaha guddaha lagu dabagalo.” Ayuu yidhi, Baashe Maxamed Faarax.

 

 

Guddoomiyaha cusub Cabdirisaaq Khaliif iyo xubnaha Shirgudoonka cusub ee ladoortay salaasadii lasoo dhaafay 3 August 2021, ayaa hadalo ka jeediyay madasha xilka ay kula wareegeen, wuxuuna ku amaanay gollihii hore hawshii ay qabteen sidii ay qaranka ugu shaqeeyeen, isagoo balanqaaday in ay gollaha cusub

 

Guddoomiyaha la doortay ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayuu markaa kadib Guddoomiyihii hore ku wareejiyey dhamaan hantida iyo agabka golluhu leeyahay, isagoo 11 buug oo ka kooban Siyaasadaha hab maamul, waxqabadkii 15kii Sannadood ee golluhu jiray iyo hab-raacyada shaqo gudasho iyo qaar ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee gollaha iyo qarankuba ku shaqeeyo ku wareejiyay shirguddoonka cusub.

Sidoo kale, waxa uu guddoomiyihii hore ku wareejiyay shirguddoonka cusub dhamaan xeerarka gollaha u yaala ee maraya wejiyada kala duwan ee ay shuruucdu marto, isagoo markaa kaddib shirguddoonka ku wareejiyay xafiisyada gollaha wakiillada Somaliland.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com