Araweelo News Network.

 

 

Riyadh(ANN)-Xukuumadda Boqortooyadda Sacuudiga ee Riyadh, ayaa soo saartay xayiraad lagu xaddidayo Eedaanka Salaadda iyo sidoo kale sameecaddaha cod baahiyayaasha Masaajidda, sidaana waxa shaacisay Wasaaradda arrimaha Islaamka ee Sacuudiga.

Amar kasoo baxay maanta Wasaaraddaa, ayaa lagu sheegay in xayiraad lagu soo roggay adeegsiga sameecaddaha cod baahiyayaasha ee masaajidda, waxaana lagu sheegay amarkaa in la oggolaanayo oo keliya adeegsiga cod baahiyayaasha kaliya in dadka loogu yeedho oo la adeegsado oo keliya Eedanka salaadda iyo marka la aqimayo.

 

Wareegtada amarka ah oo ku saxeexnaa Wasiirka Arimaha Islaamka ee Sacuudiga, Abdulladiif bin Abdulaziz Al Sheikh, ayaa lagu socodsiiyay dhammaan masaajidda ku yaala dalka ay ka taliso Boqortooyadda si loo xaddido isticmaalka sameecaddaha ee loo qoondeeyay in la adeegsado oo keliya Eedddanka salaadda iyo marka la aqimayo, iyadoo codka sameecaddaga hoos loo dhigayo oo la naaqusayo sida lagu sheegay wareegtada  ilaa saddex meelood meel.

Sidoo kale, wareegtada, ayaa lagu sheegay yeedhista Eeddaanka uu yahay mid keliya, kaas oo ah ka ugu horeeya ee salaada, halka aqiimkuna yahay dhawaaqa labaad ee salaada, oo muujinaya in Imaamka uu qaatay waajibkiisa oo ujeedo dhanka Kacbada salaaduna ay bilaabanayso.

 

Wareegtada uu soo saaray Wasiirka Arimaha Islaamka ee Sacuudiga, Abdulladiif  Al Sheikh, ayaa sabab looga dhigay in ay waafaqsantahay Axaadiista Nebi Maxamed (Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) ee uu ku yidhi,  “Bal eeg! Midkiin waliba wuxuu u yeedhayaa Allah (Eebihiis), aamusnaan. Midna waa in aannu dhibin midka kale oo midna aannu kor ugu qaadin codka akhriska ama ducada kan kale. ”

 

Sidoo kale, Xukuumadda Riyaadh, ayaa sheegtay in wareegtada ay kasoo saartay Eeddaanka Salaadda oo sharci ah lagu salleeyay  fatwooyin ay sameeyeen inta badan culimada waaweyn ee islaamka, sida Sheikh Mohammed bin Salah Al Othaimeen iyo Saleh Al Fawzan, kuwaas oo in sameecaddaha masaajidda keliya loo isticmaalo Eeddaanka salaadda iyo marka la aqimayo keliya ka fatwooday sida ay ku dooday wasaaradda Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Diinta oo soo saartay wareegtadaa.

Dhinaca kale, waxa xusid muddan in wareegtada xilligan ee Riyadh  ay kusoo beegantay, iyadoo labadii sannadood ee u danbeeyay markii uu dunida sida weyn ugu faafay xannuunka Coronavirus oo galaaftay malaayiin qof oo aduunka ah, isla markaana si weyn xannuunku degashadat dunida reer galbeedka oo uu baroosinka dhigtay, isagoo mawjadii hore dalalka sida ay dhaqaale, Millateri iyo Tognoolajii u kala horeeyeen isku ballaadhiyay, taas oo sababtay in uu dhulka galo oo hoobto dhaqaalaha wadamo badan oo wax is bidayay, waxayna xaaladda Coronavirus khasab kaga dhigtay dalal badan oo dunida dalalka Kiristaanka in dawlladdaha ka jiraa oggolaadaan in muslimiinta aan markii hore loo oggolayn  Eeddaanka Salaadda loo fasaxay, isla markaana Masaajidda loo furay oo lagu xidhay cod baahiyayaal waaweyn si Eeddaanka loo maqlo oo dhawaaq dheer lagu baahiyo.. kadib xaallada jaah wareerka ah ee ka dhalatay Coronavirus oo cabsi weyn ku riday qabkii iyo Kibirkii dunida reer galbeedka.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com