Araweelo News Network.

 

Ka Daallaco Qaabka Loo Codaynayo Labada Doorasho Ee Isku Lamaan Tilmaamaha La Raacayo

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa soo saaray habka loo raacayo ama nidaamka ugu haboon ee qofka muwaadinka ah codkiisa u bixinayo marka la gaadho maalinta ccod-bixinta Doorashooyinka isku lamaan ee Gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee #31 May 2021.

Qaabka ama, nidaamka codka uu muwaadinku u dhiibanayaa maaha mid wax badan ka duwan nidaamkii hore ee doorashooyinka loo mari jiray maalinta cod bixinta, waxaase ku cusub doorashan maadaama ay yihiin laba doorasho oo isku lamaan waxa muwaadiniinta lagu war gelinayaa ama lagu baraarujinayaa inay soo qaataan Kaadhadka ama shahaadooyinka Codbixinta ka hor inta aanay soo gaadhin goobta ay codkooda ka dhiibanayaan ee uu yaal Sanduuqu.

Sidoo kale, waxa muwaadiniinta codbixiyayaasha ah lagu baraarujinayaa inay iska hubiyaan inay goobta codbixinta ka qaataan Laba Waraaqood oo ay ku kala qoran yihiin Astaamaha iyo Lambarrada murashaxiinta Gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanka, si qofku ugu codeeyo labada xildhibaan ee uu codkiisa siinayo.

Farriin ka soo baxday Guddida Doorashooyinka Qaranka ee (NEC) oo xambaarsan tallaabooyinka qofka codbixiyaha ah looga baahan yahay iyo tilmaamaha ay lagama maarmaanka tahay inuu u maro hannaanka codbixinta Doorashooyinka ee Wakiillada iyo Deegaanka halkan ka daalaco oo kaga boggo muwaadin.

 

Nidaamka codaynta doorashooyinka 31 May 2021 ee Somaliland Araweelo News Network

Alt: Araweelo News Network

Alt:Araweelo News Network

 

Alt: Araweelo News Network

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com