Araweelo News Network.

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Dardaaran U jeediyay Shacbiga Somaliland

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa si ballaadhan ugu muujiyay cuddusiisa taageerayaasha gobollada dalka iyo degmooyinka, iyadoo ay maanta ahayd maalintii koowaad ee ay u lahaayeen Ololaha doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada.

Alt: Araweelo News Network

Kumanaan Qof oo sita calanka Xisbiga WADDANI, astaamaha murrashaxiinta ay taageerayaasha u yihiin ayaa saaka xilli hore soo buuxdhaafiyay Fagaaraha Khayriyada Hargeysa, Image Araweelo News Network, 25 May 2021.

Kumanaan Qof oo sita calanka Xisbiga WADDANI, astaamaha murrashaxiinta ay taageerayaasha u yihiin ayaa saaka xilli hore soo buuxdhaafiyay Khayriyada Magaalada Hargeysa, iyagoo muujinaya taageeradooda, halkaas oo ay khudbado uga jeediyeen Madaxda Xisbiga oo kala qaybgalay dhoolatuska ay ku muujinayaan taageeradooda.

Alt: Araweelo News Network

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro), Image Araweelo News Network, 25 May 2021.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa ku amaanay taageerayaasha sida weyn u muujiyay cududooda ee isugu soo baxay fagaaraha Khayriyada Hargeysa, wuxuuna ka hadlay sababta loo samaynayo doorashooyinka iyo ujeedada laga leeyahay, isagoo ugu baaqay bulshada in ay ka faa’isaystaan fursada doorashada ee lagu soo celiyay awoodda gacantooda.

Alt: Araweelo News Network

Kumanaan Qof oo sita calanka Xisbiga WADDANI, astaamaha murrashaxiinta ay taageerayaasha u yihiin ayaa saaka xilli hore soo buuxdhaafiyay Fagaaraha, Image Araweelo News Network, 25 May 2021.

“Waad ku mahadsantihiin taageerada aad u haysaan Xisbiga WADDANI, Xisbiga rajada, waxaan idiin sheegayaa in doorashadu inoo qabsoonto Xisbiga iyo annigoo ah guddoomiyiha Xisbiga WADDANI, waxaanu gelinay tacab badan, waxaanu u dulqaadanay waxyaabo badan oo aan loo dulqaateen, waxaanu muujinay samir iyo dulqaad si doorashadu inoogu qabsoonto.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo saaka kula hadlayay Fagaaraha Khayriyada Hargeysa kumanaan taageerayaasha Xisbiga ah oo soo camiray barxadaa.

“Maanta waxaynu u dareeraynaa doorashada isku sidkan ee gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada 31 May 2021,  lama aqbali karo wax walba oo xumaynaya in doorashadu si nabad ah inoogu qabsoonto, waxaan si adag u canbaaraynayaa falkii fulaynimada ahaa ee lagu rasaaseeyay xafiisyada axsaabta mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, ee magaalada Laascaanood, maaha wax la aqbali karo.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro.

Kumanaan Qof oo sita calanka Xisbiga WADDANI, astaamaha murrashaxiinta ay taageerayaasha u yihiin ayaa saaka xilli hore soo buuxdhaafiyay Fagaaraha, Image Araweelo News Network, 25 May 2021.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdiraxmaan, isagoo ka hadlaya ahmiyada ay shacabka u leeyihiin doorashooyinku, wuxuu yidhi, “Waxaynu doonaynaa in ay inoo qabsoonto doorasho xor iyo xallaal ah, maanta shacbiga Somaliland wuxuu haystaa fursad weyn, doorashooyinka waxa loola jeedaa in awoodda loo soo celiyo shacbiga, markaa maanta awoodda idinkaa leh, siyaasiga aad shalay doorateen ee waajibkiisa gudanwaayay in aad codkiina ku bedeshaan, ama Madaxweyne ha ahaado, ama golle baarlamaan ama golle deegaan.”

Alt: Araweelo News Network

Murrashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI iyo masuuliyiin kale Boorama, Image Araweelo News Network, 25 May 2021.

Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, isla markaana ah murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga, ayaa ka hadlay Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxa layaableh in KULMIYE, yidhaahdo “Mar sadexaad ayaan doonayaa in aad I doorataan, kaftanka xaafaddaha waxan u deynayaa Muuse iyo Faysal, waxaanse ku daraaya kaftan yar reer Hargeysa way garanayaan ciddii soo gaadhay, ciddii kalena waa, looga sheekeeyay, waxa Hargeysa joogijiray Nin Majaajilayste ah,  markii uu yimi masraxa ayuu yidhi, “waykan”, wuuu soo noqday mar kale oo yidhi, “hadana waykan” hadaad ii bogteen yaan habeen danbe tigidhadu idinka dhammaan, markaa KULMIYE, wuxuu ina leeyahay waxaad ogtihiin in aannan waxba qaban, waxaad ogtihiin in caasimadda Hargeysa xashiish ka buuxo, wuxuu ina leeyahay wadooyinka Hargeysa way burbureen, hadana wuxuu ina leeyahay waykan mar sadexaad, yeelimayno, yeelimayno, yeelimayno” Ayuu yidhi. Guddoomiye Cirro oo ay dhawaaqa jawaabtaa kusoo celiyeen taageerayaashu.

Alt: Araweelo News Network

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji xasan oo khayriyada Bueco kala hadlaya kumaan taageerayaasha xisbiga ah, Image Araweelo News Network, 25 May 2021.

Mar uu la dardaarmayay taageerayaasha xisbiga, wuxuu sheegay in xisbiga WADDANI, usoo xulay bulshada dadkii ka saari lahaa marxaladaa, sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay taageerayaasha in ay codkooda siiyaan dadka ay soo xuleen, isagoo dhinaca kale balanqaaday in xildhibaanada ay soo xuleen yihiin kuwa samayna shuruucda ay dadku u baahan yihiin iyo kuwa samaynaya wadooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah, “Kulmiye hore ayuu idiin yidhi, “waxaad eersanaysaan fartiina, mar kale ha eersanina fartiina, waxaan doonaynaa Somaliland caddaalad ku dhisan, midaysan la wada leeyahay oo citiraaf hesha waxayna waxaas oo dhami ku jiraan barnaaimjka Xisbiga WADDANI, ee doorta WADDANI.”

Dhinaca kale, Fagaarayaasha Magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa dhammaan si weyn ay taageerayaasha Xisbiga WADDANI, uga muujiyeen cuddudooda, iyadoo si weyn looga dareemay Magaalooyinka Burco, Laascaanood, Berbera, Ceergaabo, Boorama iyo degmooyinka dalka oo dhan, halkaas oo ay khudbado uga jeediyeen masuuliyiinta Xisbiga iyo murrashaxiinta u tartamataya doorashooyinka gollayaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Guddoomiyaha, ayaa markaa kadib Magaalada Gebilay kala qaybgalay isu soo baxa kumanaan qof oo muujinayay taageerada ay u hayaan murrashaxiintooda, isagoo khudbad uu halkaa ka jeediyay kaga hadlay ahmiyada doorashada.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com