Araweelo News Network.

Somaliland: Madaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi, Doorashadii Iyo Guuldarada Xisbiga KULMIYE, ?

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka dhawaajiyay loollanka Xukuumaddiisa iyo Xisbiga uu Guddoomiyaha u yahay ee KULMIYE, ugu jiraan hanashada shirgudoonka gollaha Wakiillada cusub ee la doortay 31 Jun 2021.

Kulan uu Madaxweyne Biixi maanta kula yeeshay xildhibaanada uga soo baxay gollaha Wakiillada xisbigiisa KULMIYE, oo ka dhacay qasriga madaxtooyadda, isla markaana la fadhiisiyay hoolka shirararka kuraasta gollaha wakiirrada, wuxuu si badheedh ah u sheegay rabitaanka xukuumadda ee Kursiga shirdoonka gollaha Wakiillada in loo sharaxay Xildhibaan Yaasiin Maxamed Xiir (Faratoon) oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha Dibbeda Somaliland, balse tartankii doorashada gobolka Sool ee Xisbiga KULMIYE, kasoo baxay.

Madaxweyne Biixi oo ay kulanka ku weheliyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Axmed Cabdi Dheere, waxa uu Madaxweyne Biixi ka si badheedh ah u yidhi, “Anigu waxan dhisayaa Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir, dad baa jira la yidhaahdo “Ahlu-beder” oo maalintay adkayd dalkan wax ka qabtay.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Wuxuuna ka hadlay taariikhada Prof. Faratoon, isagoo sheegay inuu ahaa Badhasaabkii ugu horreeyey ee 1991-kii, gobolka Sool, xilligaa oo sida uu sheegay markii dalka lasoo galay ahayd, “wuxuu ahaa ninkii iyadoo dadka oo dhami qori wada sito ka hortegay ee nabadeey. Toddobadii shir ee Bari lagu qabtay ninkii ku jirey ayuu ahaa, dawladdii ugu horraysay iyo tii Cigaal wuu ka  tirsanaa” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo xubnaha xisbiga ee uga soo baxay gollaha wakiillada u sharaxaya taariikhada Faratoon iyo sida ay uga go’antahay in xukuumad ahaan iyo xisbi ahaan ugu cimaamadaan Yaasiin Maxamuud Xiir inuu noqdo Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada cusub.

#Somaliland: Madaxweynahe #Biixi Oo Ka Hadlay Loollanka Shirguddoonka #Wakiillada Iyo  #Maayarada Dalka Waxa #Xukuumaddiisa Uga #Qorshaysan

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu tilmaamay sumcada guusha doorashooyinka Somaliland ee gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee qabsoomay, 31 Jun 2021,  wuxuuna dhankiisa sheegay in guusha kasoo hoyatay doorashada ee xukuumadda ay wada leeyihiin xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE,  wallow aannu soo qaadin guuldarada loo tirinayay in uu doorashooyinka kala kulmay xisbiga KULMIYE, taas oo si weyn u muuqatay, isla markaana qaar badan oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, qireen guuldarada ay kala kulmeen doorashada, iyagoo qiray guusha ay axsaabta mucaaradku kasoo hopyeen doorashooyinka Somaliland ee 31 May 2021.

“KULMIYE, hadduu boqol xildhibaan helo kuma heleen guusha ay maanta ka gaadheen doorashada ee  Caalamka oo dhan iyo Somaliland, qirtay inuu danta Somaliland iyo ictiraafkeeda ku hawl jiro, waxaa mid aynu guushu u simanahay, guushaas Somaliland oo dhan mucaarid iyo muxaafidba u u qirayaa.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay doorashadii gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland.

Balse, wuxuu sheegay in waxyaabaha kasoo baxay natiijadii doorashada dib loo eegi doono, isagoo yidhi, “Khasab ma ahayn in KULMIYE, kuraasta badan qaato, waxase guul ah in aynu qabano doorasho aynu dhaqaaleheeda bixino, waana arrinta afrika iyo aduunkuba ka yaabanyahay, dal aan la aqoonsan oo doorashadaa qabtay oo weliba mucaaradkii la sinmay, ama mid dheeryahay, foodkana umaynu qabanayn in aynu inta badan yeelano oo amaan iyo sacab ku helo, taas siyaad Barre ayay ka socon weyday, xisbi loo tumaa Carabta ayay ka socon lahayd,  sida ay wax u dhaceen  food walaba (Doorasho” waxyaabo aan la filan ayaa soo baxa, haddii aynu dhaliil lahayn iyo haday si kale ku timi waa la dersi doonaa.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Kulanka Madaxweyne Biixi la yeeshay xubnaha golaha wakiillada cusub ee xisbiga KULMIYE, Image Araweelo News Network, 15 Jun 2021, Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

 

Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE, wuxuu Madaxweynuhu ku dardaaray in ay ilaaliyaan midnimada dhexdooda, isla markaana ka shaqeeyaan danta deegaannadii laga soo doortay iyo danta guud ee qaranka.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhinaciisa kula dardaarmay xildhibaannada cusub ee golaha wakiillada xisbiga KULMIYE, oo ka kooban 31 xildhibaan oo ahaa saamiga kuraasta uu Xisbigu ka helay 82 kursi oo gollaha wakiiladu ka koobanyahay in laga sugayo dariiq oo shaqooyinkii ay qaranka u qaban laahayeen ah, isla markaana looga  fadhiyo in iyagoo metelaya bulshadii soo dooratay iyo qarankoodaba kaalin miisaan leh ka qaataan horumarka dalka.

#Somaliland: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Oo Si Badheedh Ah U Sheegay In Mucaaradku Ku Fadhiisanayaan #Kuraasta #Shirguddoonka #Wakiilllada Iyo #Maayarada Dalka

Dhinaca kale, waxa kulankaa ka hadlay Xubno kamid ah gollaha Wasiirada iyo xildhibaannada cusub ee golaha wakiillada oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Bashiir Xuseen Xirsi oo kasoo baxay gobolka Awdal, xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex, Xildhibaan Cabdilaahi Muuse Cabdi oo kasoo baxay gobolka Saaxil, Xildhibaan Jaamac Abbokor Dubbe oo kasoo baxay gobolka Togdheer, xildhibaan Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo laga soo doortay gobolka Sool iyo xildhibaan Saalax Maxamed Diiriye oo kasoo baxay gobolka Sanaag, waxayna ka mahad celiyeen kulanka Madaxweyne Biixi iyo martiqaadka uu ku maamuusay.

Xildhibaanada ka hadlay kulanka, ayaa dhammaantood sheegay sida ay uga go’an tahay danta xisbiga ay kasoo baxeen iyo danaha qaranka sidii ay isu waafajin lahaayeen, iyagoo sheegay in ay iyagoo midaysan u ilaalin lahaayeen guusha doorashada oo ay taas kaga hawlgelayaan golaha wakiillada ee cusub.

 

Kulankaa, waxa kale oo ka hadlay xubno ka mid ah gollaha wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirrada wasaaraddaha Horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed iyo Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com