Gubashada Suuqyada Ganacsiga Ee Soomaalida Oo Dhaliyay Su’aalo Iyo Madaxweyne Biixi Oo  Amray In Baadhis Lagu Sameeyo Gubashada Suuqa Wajaale

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay masiibadii dabka galaaftay inta baddan Suuqa Ganacsiga ee Wajaale habeenimadii Axadda 17 Sep 2023.

Madaxweyne Biixi, wuxuu ka hadlay maalin iyo habeen kaddib markii ay masiibada dabka suuqa Wajaale dhacday, wuxuuna qoraal kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda galabnimadii ku sheegay in uu murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayo muwaadiniinta hantidoodii ku waayay masiibada dabkii xalay ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Wajaale.

 

Qoraal saxaaafadeedka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shabakaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu dhibaatadii ka dhalatay dabkaa ee muwaadiniinta hantidoodii baaba’yay Eebbe uga baryay inuu ciwad khayr leh ka siiyo hantidoodii, isaga oo ugu baaqay inay niyaddooda wanaajiyaan, kasoo kabasho degdeg ahna u diyaar garoobaan iyaga oo Ilaahay isku xidhaya.

Laxidhiidha: Ra’iisal wasaaraha Britain Boris Johnson Oo Ka Hadlay Masiibada Suuqa Waaheen Ee Somaliland

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi waxa uu Ciidanka Dab-damiska iyo ilaalinta badqabka hantida ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen sidii dabkaa loo damin lahaa, sidoo kale wuxuu u mahadnaqay ciidanka Dab-damiska Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo qayb-weyn ka qaatay daminta dabkii xalay ee suuqa ganacsiga Wajaale.

Laxidhiidha: Qorshaha Xukuumadda Ee Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen Dhaqaallaha Loo Hayo Iyo Mustaqbalka

“Madaxweynuhu hay’addaha amniga qaabilsan faray inay si hufan baadhitaan ugu sameeyaan sababaha keenaya dabkan soo noqnoqday, Ganacsataduna u hoggaansamaan tallooyinka iyo habraacayadda Ciidanka Dab-damisku siinayaan muwaadiniinta si looga hortago marwalba khataraha iyo khasaaraha baddan ee ay sababayaan masiibooyinka dabku, ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka Madaxtooyadda Somaliland.

Laxidhiidha: Dabka Galaalafay Suuqa Ugu Weyn Ee Jigjiga Oo Dhaliyay Dareen Shaki Gelinaya Xidhiidhka Ka Dhexeeya Gubashada Suuqyada Ganacsiga Soomaalida

Madaxweynaha, ayaa  ugu baaqay bulshada inteeda kale inay u kacaan sidii dadweynaha hantidoodii ku waayay dabkii baabi’iyay suuqa ganacsiga ee degmada Wajaale loogu kici lahaa,  isla markaana dib loogu xoollayn lahaa si ay uga soo kabtaan masiibada ku habsatay, waxaana lagu xusay qoraal saxaafadeedka in xukuumadda Somaliland doorkeeda ka qaadanayso arrintaa.

Laxidhiidha: Kenya: Raila Odinga Oo Bulshada gobolka iyo Caalamka Ugu Baaqay In Ay Si degdeg ah U Caawiyaan Dib u Dhiska Suuqa Waaheen

Ilaa hadda si dhab ah looma soo bandhigin baaxadda khasaaraha dabka iyo sababta dhalisay, waxaana xusid muddan in bulshadu inta baddan xusuusan yihiin dabkii suuqa ku meel maray magaca Waaheen (Shiraaqle) ee badhatamaha Magaalada Hargeysa oo gubtay 1 April 2022, kaasoo malaaiyiin dollar hanti lagu qiyaasay ku gubatay, isla markaana ka mid ahaa suuqyada ugu waaweyn gobolka geeska Afrika.

Laxidhiidha: Somalia: Dhawr Iyo Tobban Millyan Oo Masiibada Suuqa Waaheen Loo Qoondeeyay

Suuqaa oo si weyn u saameeyay dhaqaallaha dalka iyo ganacsiga ayaanay jirin baadhis madaxbanaan iyo mid xukuumadeed oo si dhab ah usoo bandhigtay sababta keentay dabka halakeeyay xilligaa oo laga joogo saddex sannadood iyo badh, waxaana weli socda dhismaha lagu casriyaynayo ee dib loogu dhisayo, iyadoo bulshada Soomaalida, ganacsatada Soomaalida iyo daawladdo waaweyn ka qayb qaateen sidii dib loogu dhisi lahaa suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Laxidhiidha: Cabdirashiid Dahabshiil Oo Ka Hadlay Qorshaha Ganacstada Ee Ku Waajahan Masiibadii Suuqa Waaheen

Sannadihii u danbeeyay waxa gobolka Geeska Afrika kusoo badanayay gubshada Suuqyada ganacsiga ee Soomaalida, kuwaas oo aan si dhab ah marna loo soo bandhigin sababta soo celcelinay gubashada suuqyada ganacsiga Soomaalida, iyadoo ay hore u gubteen Suuqa weyn ee Magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia , Suuqa ganacsiga ee Bakaaraha Muqdisho iyo Suuqa ugu weyn Kenya ee Islii oo ganacsigiisa ay maaamulaan Soomaalida dhamaman suuqyadaa ayaan daah-furan loo baadhin sababta dhalisay inay Soomaalidu ku waayaan hanti gaadhaysa Malaayiin dollar.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com